Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray dilkii Abwaan Baashi Macalin

Muqdisho:-Allaha u naxariistee kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, oo ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dilka Abwaan Baashe Macalin Maxamuud ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Arjantiin ee dagmada Kaaraan, waxaana baxsatay kooxdii dishay marxuumka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyey qoyska iyo asxaabtii uu ka baxay Allaha u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

“Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Allaha u naxariistee Abwaan Baashi Macalin oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya, maanta ayaana lagu wadaa in meydkiisa lagu aaso magaalada Muqdisho