QM oo ka digtay in Caalamka ay ku soo wajahan tahay macluul baahsan.

Caalamka ayaa khatar ballaaran ugu jirta macluul baahsan oo ka dhalan doonta fayraska Corona ee safmarka ah, sida ay ka digtay Qaramada Midoobay.

The new head of the World Food Programme (WFP) David Beasley attends a press conference about an updated aid appeal for South Sudan on May 15, 2017 at the United Nations Office in Geneva. / AFP PHOTO / Fabrice COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

David Beasley oo ah madaxa hay’adda cunnada adduunka (WFP) ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo musiibadaasi.

Warbixin looga hadlayo saameynta ay yeelan karto macluushaasi ayaa lagu sheegay in dadka baahan ee caalamka ay tiradooda laba-laabmi karto oo ay gaari karto in ka badan 250 milyan oo qof.

Inta badan dadkaasi khatarta ku jira ayaa ku nool toban dal oo ay ka jiraan colaado, xaalado dhaqaale xumo iyo saameyn ka dhalatay isbedalka cimilada, sida ay sheegtay WFP.

Dalalkaasi ayaa kala ah: Yemen, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Afghanistan, Venezuela, Itoobiya, South Sudan, Sudan, Suuriya, Nigeria iyo Haiti.

Xitaa ka hor inta aanu dillaacin cudurka, qeybo kamid ah Bariga Afrika iyo Koonfurta Aasiya ayaa wajahayay cunno yari ka dhalatay abaaro iyo ayax ku degay dhul ballaaran.

Mr Beasley oo qaab muuqaal ah kula hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “caalamka looga baahan yahay inuu si caqliyeysan oo degdeg ah uga jawaabo arintaasi,”

Caarif Xuseen oo WFP u qaabilsan dhaqaalaha ayaa sheegay in saameynta cudurka Covid-19 ay gaari doonto malaayin qof oo sabool ah, kuwaasoo ku tiirsan waxa ay maalintii shaqeystaan.

Horraantii sanadkan, WFP ayaa sheegtay inay kala bar dhimayso gargaarka ay siiso qeybaha ay dalka Yemen ka xukunto maleeshiyada Xuutiyiinka dhaqaalo yari awgeed.