Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay Weriye Abuuja inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay kiiska weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja, oo magaalada Muqdisho ku xiran tan iyo 29-kii Febraayo.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sababta loo hayo Abuuja ay tahay “In uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab” loona haysto in uu ku lug lahaa dil ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho

“Hey’adaha amniga ayaa gacanta ku haya Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan in uu ka tirsan yahay Argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019”ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in hey’adaha amniga ay eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinayaan hey’adaha Garsoorka dalka ee ku shaqada leh.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya iyada oo mudooyinkii dambe ay aad u xoogeysteen baaqyada la xiriira in weriye Abuuja, oo ahaa tifaftiraha idaacadda Hiigsi, xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.