Ciidamada Danab oo la wareegay degaanno ku teedsan Xeebta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya guutada 16-aad ee Danab ayaa Howlgal nabadiidka looga Saarayo Dhulka xeebta ah Saakay ka bilaabay Degaanada Dhanaane,Gandarshe iyo Jilib Marka ee Gobolka Shabellada Hoose.

Kumaandooska Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka Dhanaane ee Gobolka shabellada hoose

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in nabadiidka Al-shabaab saakay laga saaray Degaanka Dhanaane ee Gobolka shabellaha Hoose

Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale Sheegay Ciidamada Kumaandooska ay gaareen degaanada Gandarshe iyo Jilib marko halkaasi oo Al-shabaab ay isaga carareen