RW Kheyre oo Qadka Taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha dibada Russia Sergey Lavrov.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah wuxuu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Russia Sergey Lavrov.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ka codsadey in gacan laga siiyo la dagaalanka Cudurka Corona Viruska oo gaaray 237 qof sida uu bogiisa Twwiter-ka ku daabacay RW Kheyre.

“Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov, waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19 oo masiibada” ayuu yiri RW Kheyre.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa balan qaaday inuu soo dirayo qalab iyo dhaqaatir maalmaha soo socdo si ay Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka lagula jiro Corona virus iyo sidii looga hortegi lahaa faafi taankiisa.