Muwaadin Soomaali Ah Oo COVID-19 Ugu Dhintay Dalka Koonfur Afrika.

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay Cudurka halista ah ee Coronavirus ee aduunka dhan sameeyay ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Kheyre, isagoo maalmihii la soo dhaafay la xauunsanayay Cudurka COVID-19 oo ku dhacay.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida dalka Koonfur Afrika Khaliif Xuseen, waxaana sidoo kale Cali Kheyre uu ahaa Nabadoon siweyn looga yaqaanay Magaalada Cape-Town.

Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa saameyn xoogan u geystay dalka Koonfur Afrika, waxaana uu ku dhacay 3,300 oo Ruux, halka ay ka bogsadeen 1,055 Ruux, waxaana ugu geeriyooday dalkaas Cudurka 58 Qof.

Dhanka kale Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Cudurka Corona ugu dhintay dalka Koonfur Afrika.