Madaxwe Waare oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiiru Dowlo ka tirsan Maamulkiisa.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa shaqada looga jooiyay Xildhibaan Saadaq Mukhtaar oo ahaa Wasiiru dowlihii Dastuurka Hirshabeelle, waxaana lagu eedeeyay inuu jebiyay amar kasoo baxay Madaxweyne Waare.

Xildhibaan Saadaq Mukhtaar ayaa la sheegay inuu shalay Magaalada Jowhar uga qeyb galay Munaasabad ka dhacday Jowhar, xili Madaxweynaha Hirshabeelle uu mamnuucay in dadka isugu yimaadan Munaasabad, sababo la xiriira faafida Cudurka Coronavirus.

Aqriso shaqo joojinta ee uu soo saaray Waare.