Maamulka galmudug oo xalliyay colaado Ka jiray deegaanno Ka tirsan Galmudug

Gaalkacyo:-Gen Cabdi Jamac cabdulle xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo masuulkiyiin ka socday maamulkaasi ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug .

Deegaanada kaxan dhaale daca dheer iyo deegaano kale ayaa mudooyinkii danbe waxaaa ku dagaalamayey maleshiyaad xoolo dhaqato ka soo jeeda, deegaanka , kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo gobaha biyaha laga cabo ee ku yaalla deegaanka.

Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigeen beelaha colaadu ay dhexmartay ,waxayna rajeeyeen in aysan dib u soolaaban dagaaladaasi ka dhacay gobolka mudug .

Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa dadaal ay wadaan dawlad goboleedka galmudug iyo dawlada fedraalka,kaas oo la doonayo in lagu nabadeeyo dadka walaalaha ah