Rag hubeysan oo xalay Saqdii dhexe Duqa Magaalada Boorame ku weerartay Hoygiisa.

Saleebaan Xasan Xadi Duqa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal waxaa xalay saq dhexe gurigiisa ku weerartay koox hubeysan, waxaana dadka Magaalada ay hurdada uga soo salaleen rasaasta ay adeegsaneysay dabledyada.

Gurigiisa ayuu kula sugnaa Qoyskiisa markii weerarka uu dhacayay, lamana sheegin waxyeelo gaartay Guddoomiyaha Degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ehelkiisa.

Ciidamo katirsan Booliiska Somaliland ayaa tagay Guriga, waxaana ay sameeyeen baaris ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay Weerarka lagu qaaday Duqa Xarunta Gobolka Awdal.

Sawirro laga qaaday Guriga waxaa ka muuqda dhaawac rasaasta ay u geystay hoyga Saleebaan Xasan Xadi Guddoomiyaha Boorama, iyada oo baaris ay wadaan Ciidamada Booliiska.

Waayihii dambe waxaa sii kordhayay weerarada lagu qaadanayo mas’uuliyiiin katirsan Somaliland, Taliska Booliisku waxa ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad caadeystay bartilmaameedsada Mas’uuliyiinta Maamulka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Duqa Boorama Saleebaan Xasan Xadi ee lagu weeraray Hoygiisa oo uu ku faah-faahinayo, sidoo kale Booliisku sooma bandhigin Natiijada Baarista ay sameeyene kasoo baxday.