Nin hubeysan oo 16-qof ku dilay magaalada Nova Scotia ee dalka Canada.

Ruux hubaysan oo ku labisan dareeska booliska ayaa ugu yaraan 16 ruux ku dilay gobolka Nova Scotia, ee dalka Canada.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray haweenay booliska katirsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ruuxii weerarkaasi gaystay oo isagana dhintay.

Ninka hubays’naa ee weerarka gaystay ayaa lasheegay in uu toogtay dhawr ruux oo shacab ah, kuwaaas oo ka ag dhawaa halka uu weerarku ka dhacay.