Maamulka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyihii Shibis xil ka qaadis iyo xarig isugu daray.

Muqdisho:-Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay sababta uu maanta guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish xilkii uga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis ee gobolka Banaadir Cabdiraxamaan Sayid Cali.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali loo gudbiyey laanta dembi baarista Booliska Soomaaliya ee CID-da.

Saalax ayaa sheegay in guddoomiye Cabdiraxmaan lagu soo eedeeyey in lacago aan sharci aheyn uu ku soo rogay dadka ku nool degmada Shibis, taas oo kaliftay sida uu sheegay in duqa Muqdisho uu xilka ka qaado.