Amarki Puntland iyo Galmudug ay ku soo rogeen M/Gaalkacyo oo dhaqangalay

Muqdisho:-Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay Magalada Gaalkacyo ayaa si wadajir u sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo.

Amarkan la xiriira xaalad deg deg oo ku soo kororta Galmudug iyo Puntland maadaama la helay Kiis cusub oo Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19.

Shirkooda ayay ku sheegeen in Magalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan Maamulka Gobolka Mudug.