SHEEKO DHAB AH:- MEYDKA MA ANIGAA CUNAY?

Sheekadaan waxey ku dhacday Nin Saaxiib key ah, isaga ayaana iiga sheekeeyay waxeyna qeyb ka aheyd dhacdooyin dhowr ah oo uu la Kulmay waqtiyo isku dhow dhow oo ugu dambeyn sabab u noqday in uu dalka isaga tago, hadana waxa uu qaxooti ku yahay mid ka mid ah dalalka Yurub.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Saaxiibkey waxa uu ahaa derewal Ambulance, hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaarigiisa iyo gaari kale loo diray meel qarax ka dhacay, Sxbkeey wuxuu tagey goobtii waxeyna bilaabeen isaga iyo shaqaalihii la socday daadgureynta meydadka, gaarigii kalena wuxuu bilaabay daadgureynta dhaawaca oo awel bey sidaas ku soo heshiiyeen.

Balse mid ka mid ah Wariyayaashii goobta yimid ayaa durba noqday wariyihii ugu horeeyay ee si LIVE ah Facebook uga soo tebiya khasaaraha qaraxa, waxaana markiiba ku soo xirmay dad badan oo daawadayaal ah oo ay ka mid yihiin daqaatiirtii iyo shaqaalihii Hospital ka Ambulance ta laga soo diray.
Wariyihii isagoo warbaahinta uu ka socdayna u duubaya Facebooka-na LIVE uga tebinaya ayuu Ambulance-tii oo meydad badan la saaray isaga oo ku dul wareegayaa hadaladiisii ka mid ahaa “hada AMBULANCE-taan waxaa la saaray 14 Meyd ah.”

Durba Shaqaalihii Hospital ka laga lahaa Ambulance-ta waxa ay galeen heegan buuxa iyagoo maanka ku haya in 14 meyd ah gaarigoodu soo qaaday.
Balse Saaxiibkeey markuu Hospital kii yimid waxaa gaarigiisa laga soo dejiyay 9 Meyd ah,
-kaabo Saalihii ayaa ku yiri : Kaabo 5 tii kale ee meydka aheyd ma Cusbitaal kalaad geysay?
-Saaxiibkeey wuu yaabay isagoo indhaha taagaya ayuu ku yiri, Adeer Anigu intaas baan soo qaaday,
-Kaabihii wuxuu ku celiyay : war warkaagu waa kaa soo horeeyoo Wariyahaaba noo sheegay inaad 15 Meyd ah soo qaaday oo halkaan ayaanba ka daawaneynee see wax u jiraan?
-War ileyn tanoo kale Aniga meydka ma cunay marka waayaabe, ayuu ugu jawaabay,

Intii doodu socotay ayaa waxaa Hospital kii soo dhoobtay dad badan oo iyaguna Facebooka LIVE ka daawanayay Qaraxa oo is yiri bal meydadka halkaa la geeyay ka war doona.
Ayaa Derewalkii oo layaaban hadalkii Kaabo Saalihiisa, ayey iyaguna durba su’aalo ku bilaabeen.
-Imisa meyd baad keentay?
-Maxey tahay 9ka la sheegayo 14 ayaad soo qaadaye?
-Meydadkii kale ma Cisbitaal kalaad geysay WALAAL? Iyo hadalo kaloo badan,
Derewalkii Saaxiibkeey ahaa isagoo layaaban waxa meesha ka socda ayuu halmar Kaaba Saalihii Cisbitaalka iyo dadweynihiiba ku yiri, : “Wax ma idiin sheegaa Anigu 9 kaas meyd baan soo qaaday Wariyaha idiin sheegay inaan 15 soo qaadayna mindhaa meydadka lugaha ayuu ka tirsadaye ha I wareerinina Aniga MEYDKA MA ANIGAA CUNAY?“ iskana dhaqaaqay hhhhhhhh

Maxaa yaab isdabayaal.

WQ:C/Qaadir MaxamedFaarax (Dulyare)