Samir, Iimaan iyo Qadar!!!

1. Sayidinaa Cali Bin Abii Daalib RC ayaa yiri: Haddii aan Allaah wax weeydiisto ee wixii aan weeydiistay aan helo, Hal mar ayaan farxaa. Haddii wixii aan weeydiistay aan waayana 10 mar ayaan Farxaa. Sababta oo ah: go’aanka hore Anniga khiyaarkeeyga ayuu ahaa.Laakin go’aanka dambe Allaah ayaa leh.( F.S:1aad)

 

Taa oo uu ula jeedo, waxa aan codsaday in khayr iigu jiro iyo in uuna iigu jirin Allaah ayaa iga og. Halkaa waxaad ka fahmee sida Iimaankiisu u sugnaayeen Sayidinaa Cali RC.

“Iimaanka wanaagsan uga dayo, qalbigaagana khiyaarka Alle ku xir”

2. Samirkuna waa muhim, Nabi Muse CS. Ducadii uu duceeystay 40 Sanno kadib ayuu helay.

” Samirka uga dayo, Deg degu yeeyna ku galin, Saacada la Ajiibayo Ducadaada Allaah ayaa yaqaan”

3. Qadarka Alle ku kalsoonaaw. Sayidinaa Cumar binu khidaab ayaa yiri: Qadarka Alle ayaan ka ordeeynaa, Qadarka Alle ayaana u ordeeynaa.

meeqaa Xabbado uga carartay, halkii ey joogeen oo Xabbado ugu tagay halkii ey u carareen.

” Qadarka Alle Aamin”

4. Taxadarka iyo Dadaalkuna ma reebano, Haddii Alla aad tala saarato.

waa iga talo.

FG: wixii aan ka tagay ku dar, wixii aan khaldayna ka sax.

Qore:Yahya Amir