Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowladda oo ay ku soo qabteen Madaxii sakawaadka ee Al-Shabaab

Muqdisho:-Saraakiisha xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen sarkaal sare oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkaas lala qabtay illaa toddoba Maleeshiyo oo uu watay sarkaalka la qabtay.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka la qabtay uu ahaa madaxii Sakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay isisoo dhibeen maalmihii lasoo dhaafay dhalinyaro badan oo ka barbar dagaalami jiray ururka Al-Shabaab.

Ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellada Hoose, waxaana maalin ka hor Janaale lagu soo ban dhigay dhalinyaro kasoo baxday Al-Shabaab 0o isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.