Ciidamada Xoogga oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaray Degaanno ka tirsan Gobolka Bay.

Muqsisho:-Howlgalo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 8-aad Qeybta 60-aad ay ka sameeyeen degaano hoosyimaado degmada diinsoor gobolka Bay ayay argagixisada al-shabaab waxay kaga saareen degaanada Bandhuub iyo Biilane kuwaasi oo ay maleeshiyada al-shabaab ku dhibaateeynjireen shacabka kunool degaanadaasi.

Taliyaha Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay ujeedka howlgalka inuu yahay sidii maleeshiyaadka argagixisada looga saari lahaa gobolada baay iyo bakool.

Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa tilmaamay inay haatan ay kordhiyeen howlgalada la isugu furayo Baay iyo Bakool islamarkaasna ay ku guuleeysteen degaano dhoowr ah inay ka saaraan argagixisada.