AGAASIMIHII XARUNTII DHALLAN ROGGA XOOLAHA EE BURBURKII 1991 KII KA HOR OO MUQDISHO KU GEERIYOODAY


Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuuna

Waxaa dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Agaasimihii Xaruntii Dhallan Rogga Xoolaha ee Afgooye ee Wasaaraddii Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee burburkii 1991 kii ka hor Dr.Cumar Maxamuud Kulmiye.

Dr. Cumar wuxuu ahaa khabiir dhinaca xoolaha iyo beeraha oo aad loo yaqaanay muddo dheerna u soo shaqeeyay dalka.Wuxuu wax ku soo bartay Dalka Romania ee Yurubta bari isagoo ku soo takhasusay cilmiga isku dhafka xoolaha iyo beeraha.

Dr.Cumar inta uusan dhiman wuxuu ka mid ahaa madaxda Jaamacadda Benadir wuxuuna kaalin weyn ku lahaa aasaaskii iyo horumarinta gaar ahaan Kulliyadaha Xannaanada iyo caafimaadka Xolaha iyo Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benadir.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo ehalkii,qaraabadii iyo asxaabtiina sabar iyo iimaan Alle ka siiyo annagana Alle nama fidneeyo gadaashiis. AAMIIN