Suxufi Qaran Saciid Cabdisalaam oo shalay Mogadishu Ku Geeriyooday


TACSI QARAN.

Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho allaha u naxariistee suxufigii ruug-cadaaga ahaa Siciid Abdisalaam Ismaaciil, ee ahaa suxufigii ugu horeeyay ee caalami ah ee Soomaaliya yeelato, caalamkana laga qadarin jiray aqoontiisii suxufinimo iyo hal-abuurnimadiisii ee ilaaheey ku manaystay.

Allaha u naxariiste Saciid Cabdisalaam, wuxuu 1954 -1963 ka baxay kulliyadaha saxaafadda ee Jaamicadda Qaahira, iyo Universita di Roma Italia, takhasusyo dheeraadana ku soo qaatay wadamo badan ee caalamka ka tirsan sida Germalka iyo Fransiiska, isagoo ahaa “polyglot” laqado badan – ku hadla, sida Carabiga, Ingiriisiga, Talyaaniga, Fransiiska iyo Germalka.

Allaha u naxariistee suxufi Siciid Cabdisalaam Ismaaciil, wuxuu ku lahaa majaladda Al-Ahraam qaybo uu kaga hadlo saxaafadda Afrika 1960s, waxaana sida ku xusan jariidada Al-ahraam oktoober 29, 1969 cadadkeeda 3aad, taxriirna uu ka ahaa qoraagii waynaa ee jariidada Al-ahraam Maxamed Xasanayn Al-Haykal in uu si fiican ugu xusay jariidadadiisa, AUN Suxufi Siciid Cabdisalaam, kuna tilmaamay shakhsiga ka dhaxli doono xagga saxaafadda iyo mihnadeeda, iyo balaaqada afka carabiga.

AUN Mr. Cabdisalaam, wuxuu kaloo ahaa aabihii kobciyay saxaafadda Soomaaliya, laguna tilmaami jiray qoraaga sanadka mar walbana bilado badan ee caalami ahna la guddoonsiin jiray gudaha iyo dibaddaba.

Halyeey qaran ee halgama-yaashii SYL ka mid ahaa, ayaa maanta naga xijaabtay haddii aan nahay Soomaaliya, Afrika iyo caalamkaba.

Suxufi Siciid Cabdisalaam, allaha u naxariistee, taariikhda ayaa xustay, waligeedna xusi doonta.

Alloow kuu naxarriso, jannadiisana kuugu bishaaree.

Aamiin. Aamiin. Aamiin.