Masar oo Saldhig Milatery Halis ku ah Somalia iyo Itoobiya ka Hirgelinaysa Kenya.

Dowladda Masar ayaa Saldhig military oo Halis ku ah Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ka Furanayso Gobalka Waqooyi bari Kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay saldhiga siisay Masar,islamarkaana qorshaha uu yahay sidii Masar ula socon laheyd dhaqdhaqayadda Gobolka, gaar ahaan Ciidamadda Ethopia ee ku sugan Goboladda Jubooyinka iyo Gedo.

Xildhibaan ka Tirsan Golaha isbadalka Doonka Jubbaland, ayaa sheegay in saldhiga Malatari qorshaha uu yahay in dhawaan la hirgaliyo,islamarkaana laga furi doono Magaaladda Gaariisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Xildhibaan Siciid Nuur Cismaan oo ka tirsan Isbedel doonka Jubbaland oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay In qorshahaan uu wax ka ogyahay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Masar ayaa khilaaf waxa uu kala dhexeeyaa Dowladda Ethopia,waxayna dhawaan taageero weydiisatay Soomaaliya,balse jawaabta Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dhexdhexaadnimo.