Jaamacadda Oxford oo sheegtay inay mudo gaaban gudahood talaal u helayso COVID-19.

Muqdisho:-Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa sheegay in ay soo saari doonaan ugu yaraan hal milyan oo cirbadood, kuwaas oo ah talaal loogu tala galay cudurka Coronavirus, bisha Sebtember ee sanadkan.

Dawladda Ingiriiska oo mashruucan taageeraysa ayaa sheegtay in “aanay jirin wax dammaanad ah” isla markaana aysay suurta gal aheyn in muddo loo qabto soo helidda tallaalka xanuunkaas.

Bukaanka ugu horeeyay ee ka qayb galaya tijaabada ay Oxford wado ayaa la filayaa in tallaalkaa lagu tijaabin doono toddobaadka dambe.

Hase yeeshee weli lama ogaan karo wax tarka uu yeelan doono talaalka ay soo saaridiisa ku mashquulsanyihiin Saynisyahanadan ka tirsan Jaamacadda Oxford.

Khubarada badankoodu waxay weli qiyaasayaan in ay qaadan doonto muddo 12 ilaa 18 bilood ah in la helo tallaal soo saarkiisu toos u bilaawdo.