Sirdoonka Soomaliya oo lagu eedeeyay inay dhaqaale ku siiyaan Al-Shabaab inay Kenya weeraraan.

Muqdisho:-Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya ayaa ku eedeyey sirdoonka Soomaaliya inay dhaqaale ku siiyaan Al-Shabaab inay Kenya weeraraan.

Warbixintaan oo lagu daabacay Wargeyska The Star ee Ka soo baxa Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in sirdoonka Soomaaliya ay Al-Shabaab u fududeyaan weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya.

“Qaar kamid ah saraakiisha sare ee NISA waxay Al-Shabaab siinayaan xogo sir ah, oo ku aadan laamaha ammaanka Kenya, si loo fududeeyo weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalka kenya ” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska.

Kenya waxay Sirdoonka Soomaaliya ku eedaysay, in qaar ka mid ah saraakiishaasi ee ay tababareen hay’adaha amniga Kenya, ay shirqool la sameynayaan Al-Shabaab si ay u weeraraan askarta ka tirsan Kenya ee ka hoos shaqeeya AMISOM.

Dhinaca kale Dawlada Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin eedaynta ay u soo jeedisay dawlada Kenya.