Sheekh iyo xertiisa oo loo haysto inay Coronvirus faafiyeen.

Hogaamiyaha jameecada Tabliiqa Hindiya Saad Khandalvi ayaa maanta lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil aan ula kac ahayn ka dib markii uu qabanqaabiyay kulan ay Tabliiqa ku yeesheen magaalada Delhi xilli uu cudurkaasi fara ba’an ku hayay magaalada.

Boolisku waxa ay sheegeen in kulanka oo billowday 3-da March uusan dhamaanin xitaa markii ay dowladda Hindiya si rasmi ah ugu dhawaaqday bandowga 24-kii March.

Waxaa shirka Tabliiqa lala xiriiriyay in ka badan 1000 kiis oo Corona ah oo lagu arkay ilaa 17 gobol oo la aamisan yahay inay faafiyeen ajaaniibtii ka qeybgashay kulanka.

Mr Saad iyo jimciyadda Tabliiqa dalkaasi ayaa beeniyay eedemaha loo soo jeediyay.

Dacwaddan ayaa si rasmi ah loogu soo ogay maanta isagoo karantill ku jira.

Boolisku waxay sheegeen in wadaadkan uu iska dhaga tiray laba ogaysiis oo ay booliska uga dalbadeen inuu soo afjara kulanka oo ka socday masaajid weyn oo ku yaalla Delhi.

Waa kuwama Tabliiq Jamaat?

Ururkan ayaa sannadkii 1926 lagu aasaasay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Mewat, waxaana aasaasay wadaadka caanka ah ee Muslimka ahaa ee Maulana Moxamed Ilyas Kandhlawi.

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu diinta Islaamka ku faafiyo dunida. Ururka ayaa saameyn weyn ku lahaa Hindiya oo aan xilligaas kala qeybsaneyn. Tani isma beddelin kaddib markii dalkaasi la kala qeybiyay, xornimadii ka dib, sannadkii 1947. Waxay taageero xooggan ku haystaan gudaha Pakistan iyo Bangladesh.

Maxay tahay shaqadooda?

Aasaasaha Jamaat, Moxamed Ilyas, ayaa lagu xusuustaa inuu yiri: “Muslimiintu waa inay noqdaan Muslimiin wanaagsan,” – taasina waa hadafka ugu weyn ee ururka – inay Muslimiinta ku dhex faafiyaan ku dhaqanka diinta Islaamka.

Xubnaha ururka ayaa sheegta inuu yahay mid ka madax bannaan siyaasad, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay inuu dhiso ummad Muslimiin ah oo ku dhaqanta Qur`aanka Kariimka ah.

Jamaat ayaa wufuud u kala dirta dalal kala duwan muddo 40 maalmood ah sannadkiiba, mararka qaarna muddo intaas ka yar. Kuwa dadka wax u sheega ayaa aaminsan inay qof-qof dadka ula kulmaan, sidaas darteed waxay garaacaan guryaha dadka Muslimiinta ah si ay ugu gudbiyaan farriinta Islaamka.

Xigasho:BBCSomali