In aadan marnaba tagin Jowhar madaxweyne Farmaajow farbaa iiga taagan !

Madaxweyne iyadoo ay jiraan marxalado adag sida duruufo caafimaad, duruufo amni,iyo xilli kala guur ah oo inta kadhiman doorashadaadu ay tahay muddo 8 bilood,sida qaanuuniga ah.

Wakhtiga laguu doortay oo laga joogo 3 sano iyo bilooyin, waxaan ka muwaadin ahaan kula wadaagayaa in aad udhaaratay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna dhaaratay in aad ku hogaamin doonto cadaalad iyo sinnaan ku qotonta qaanuunka Kmg ah ee adiga laguugu doortay.

Waxaad booqatay goballada dalka adigoo safarkaagii ugu dheeraa ku kala bixiyay magaalooyin aad u kala fog, sida Garoowe,Qardho,Boosaaso,Gaalkacyo iyo Baydhabo, inkastoo ay tahay wax lagu farxo in aad shacabkaaga aad ugu tagto gobal kasto ay joogaan.

Waxaan tabanaynaa cadaalad darro weyn iyo sabab la’aan in aad uga baaqatay,marnana aadan isku dayin in aad soo gaarto magaalada Jowhar oo ah caasimadda Hirshabelle State.

Waxaan markasta isweydiiyaa baaqashadaada ku aadan in aadan tagin 90Km oo Jowhar ujirta Muqdisho, taasoo shacabkeenuna ay igala mid yihiin su’aalaha nagu soo noq-noqda.

Hirshabelle State waxaa kasoo jeeda Aadan Cabdulle Cismaan (AU) madaxweynihii ugu horreeyay dalkeena, waxa uuna sawirkiisa kuu suran yahay halka aad kaga arrimiso dalka, maadaama aad maamuus ahaan sawirka Aadan Cade usurtay aqalka madaxtooyada, maxaadan u xasuusan halkii uu kasoo jeeday ?

Hirshabelle State waxey dowladda dhexe u hiillisay waqti adag taasoo ay kamid ahayd garab istaagga waqtigii ugu adkaa dowladda dhexe taasoo aheyd mid ay dadkeenu badankood aysan soo dhaweyn go’aankaas qaadashadiisa,maadaama dhamaan dowlad goboleedyada dalka ay go’aan gaara ay kawada qaadteen dowladda dhexe.

Marka laga soo tago booqasho la’aanta Safarkaaga,waxaan aad utabanaynaa in ciidamadii xoreyn lahaa deegaannadeena aad geeysay meel aad u fog fog sida Baladxaawo,Luuq,Baardheere, Janaale Siliini iyadoo intaas oo magaalood agabka lageeyay ay kadhaweyd magaalada Balcad oo Muqdisho ujirta 30Km.

Waxaan tabanaynaa Shabaabkii laga soo saaray Jannaale,seliini iyo sabiib in ay soo gaaraan deegaanno hoos yimaada degmada Balcad, taasoo aan u arko cadaalad darro loo geeystay shacabka Hirshabelle State gaar ahaan gobalka shabellaha dhexe.

Madaxweyne dalka waxaa kajira Caronavirus annaguse inta uusan dillaacin ayaa dadkeenii iyo deegaannadeenii kajireen cudurro intaas kabadan oo aysan dowladda marna nagu saacidin dawooyin iyo agabyada ay dadkeenu ubaahnaayeen.

Waxaan arkaa waqtigii oo gabaabsi ah, xilligga lajoogo oo ah mid adag iyo annaga oo tabasho qabno in uu waqtigii muddo xileedkaagu gabaabsi noqon doono.

(In aadan marnaba tagin Jowhar madaxweyne Farmaajow farbaa iiga taagan !)
Hassan Abdulkhader Mudey