Dadka u dhimanaya cudurka Covid19 ee dalka Mareykanka oo tiradoodu sii kordhayso.

Muqdisho:-Maalmihii dambe waxaa sii kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Coronavirus ee dalka Mareykanka, oo ka mid ah dalalka uu cudurku sida daran u saameeyay.

Warbaahinta Maraykanka ayaa xaqiijisay maanta, in cudurka ay u dhinteen 35.000 oo qof oo muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka.

Tiradan maanta la shaaciayay ayaa waxa ay ka dhigaysaa tirad guud ee dalkaasi Mareykanka laga helay 667.000 oo ruux, taas oo ka dhigan in adduunka oo dhan uu kaga horeeyo dhimashada uu gaystay cudurkan Covid19.

Dhanka kale waxaa jirta in dalka Mareykanka ay soo wajahaday muwaadiniintiisa shaqo la’aan ku sii baahaysa dalka intiisa kale, iyadoo lagu qiyasay in 5.2milyan oo ruux ay soo wajahday shaqo la’aan oo ku nool gudaha dalkaasi.