Dad Mooryaanu Dambi ku khasabtay waan aragnay,ee Dad Dowladu Dambi ku khasabtay ma jiraan?=Nasashada Jimcaha.Q-196-aad=

1-Wiil Gabar lagu mehrinayay, ayaa Shiikhii Gacnta u soo taagay kuna yiri: Qabiltu dheh. Wiilkii ayaa yiri: Shiikhoow ma waxaad rabtaa in Gabadhu Caawa iga cararto. Bal Adigu marka hore 2 mitir iga fogoow ee halkaaga Nikaaxa ka niyeeyso,ama Logaha aan isa saarno ama Gacanta Saabuun ku soo meeyro kadibna Glove soo gasho tii kuu roon. ( F.S:1aad)

( Ar Maalmahaan Corona iyo Aroos maxaa kala heysto )

2-Axmed ayaa Xabsiga ku soo Booqday Saaxiibkii, waxa uuna ku yiri: Axmadoow, waxaa lagu xiray Adiga oo aan Dambi leheeyn, Maxkamadana waxaa lagu keenay Adigoo Dambi leh, sideey ku dhacday?. Axmed ayaa yiri: Afrika haddii lagu xiro Adiga oo Bakeyle ah, Maxkamada waxaa lagu keenayaa Adiga oo waraabe ah, kuna eedeeysan in aan Kaluun Cuntay. ( F.S: 2aad)

( Cadaalada Afrika waan u jeednaa ee ma Dambi baarahaa Galka Dacwada bedelo?, ma Qaaliga?, ma Aqoon daraa?, Ma iimaan la’aanaa?, ma sharcigaa?, mise waa Dollar & Damac Xukun?)

3- Waqtigii Dagaalada sukeeye, ayaa koox Mooryaan ah oo sakhraan ihi waxa ey gabar ku kufsanayeen Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodon. Waabarigii hore ayaa waxaa soo hor maray Mu’adimkii Masjidka, Xabad ayeey dhafoorka ka saareen ,waxa eyna ku yiraahdeen ama Naagtaan u tag ama waan ku dileeynaa. Waa uu baryay, waxa uuna yiri: wiligeey Naag Xalaal iyo xaaranba lama kulmin ee iska keey daaya. Waxa ey ku adkeeysteen in ey dilayaan. Waxa uu yiri: Ilaahoow waad ii jeeda Anna waa la i kufsady ee Raali kama ihi.

Wadaadkii Doobka ahaa ayaa Hoowl galay, Mar kaliya ayuu Wadaadkii ku qeeyliyay, Dadka Xaafaddu Xaasidnima badaa!!!. In ey saan u macaan tahay mexey mar hore iigu sheegi waayeen. Kooxdii ayuuna u biiray. ( F.S:3aad)

( Dad Mooryaanu Dambi ku khasabtay waan aragnay, ee Dad Dowladu Dambi ku khasabtay ma jiraan? Sheydaana kama maqno Goobta)

4 – Dhakhtarka dhimirka ayaa Heesta Arooska ee “ Labadii Hagag ku heshiisayee” u shiday Koox waalwaalan oo ku jirtay Isbitaalka. Waxa ey Bilaabeen in ey Musigii ku wada Ciyaaraan oo ey wada niikiyaan. Hal Nin ayaan ka qeyb qaadan Ciyaartii. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Adiga maxaa kugu dhacay oo aad u ciyaari weeyday? .Ninkii ayaa yiri: Annigu soow ma ihi Caruuskii loo ciyaarayay. ( F.S:4aad)

( Madaxda Maamul Gobaleedyada Heesta loo shidaayo,ha laga fiirsado)

5- Gabar ayaa Daawaneeysay TV. Hooyadeed ayeey ku tiri: Hooyo, baahi ayaa i heeyso ee Qaboojiyaha Caano iiga soo bixi. Hooyadii oo Qolkeeda ku jirtay ayaa ku tiri: war istaag oo la soo bax. Gabadhii ayaa tiri: Hooyo ,Sheeko Musalsal ah oo aan ku tixnaa ayaan daawanayaa. Hooyadii ayaa tiri: war istaag ee Caanaha la soo bax, Haddii kale Ul ayaan doonanayaa. Gabadhii ayaa tiri: Hooyo, marka aad Usha doonanee hore Caanaha iigu soo qaad. ( F.S: 5aad)

( Caruurta Casrigaan iyo TV maxaa kala heysto?)

6. Maxamed Nuur oo Qurbaha ka soo shaqeystay 5.000 si uu ugu Arooso, ayaa Nin Suuqa Bakaarha, Bakhaar ku lahaa Gabar ka doontay. Waxa uuna ku yiri: Adeer Xassanoow, waxaan Doonayaa Gabadhaada in aan Guursado? Oday Xassan ayaa ku yiri: Ma Xaliimo mise Sahro. Wiilkii ayaa yiri: Xaliimo. Odaygii ayaa ku yiri: Xaliimo Meherkeedu waa 30.000 Dollar oo horuu maris ah . Wiilkii oo meherka Xaliimo la yaaban ayaa yiri: Sahrana? ( F.S: 6aad)

( War gabdhaha iyo Ganacsiga ha la kala saaro)

Qore: Yahya Amir