Balantii aheyd in Tiyaatarka loogu Magac-daro Max’ed Saleebaan Halkee bay ku Dambaysay?

Sannadku waa 2014-kii, waxaa la joogay Aaskii Allaha u naxariistee Boqorkii Codka Maxamed Saleymaan Tubeec oo ka dhacayay Dugsiga Boliiska ee magaalada Muqdisho, Wajiyada dadka murugo ayaa ka Muuqatey! Wanaagii iyo Taariikhdii uu lahaa marxuumka Geeriyooday ayaa qof walba Xasuusanayay.

Guddigii u xil saarnaa Aaska Marxuumka ayaa soo jeediyay in Boqorkii Codka loogu magac-daro Tiyaatarka Qaranka, soo jeedintaas oo lala dhacay ayaa si isku mid ah loo soo dhaweeyay.

Haatan oo arintaasi ay ka soo wareegtay dhawr sanno ayaa waxaa ka dhawaajiyay Wasiirkii Gadiidka Dhulka & Cirka ee Xilligaasi Md, Saciid Jaamac Qoorsheel.

Wasiir Qoorsheel oo ka hadlayay Xuskii ay dhawaan Bahda Isboortiga u samaysay Laacibkii K/Cagta Soomaaliya Marxuum Saciid Ducaale ayaa halkaasi ka caddeeyay in horey loo go’aansadey in Tiyaatarka Qaranka loogu magac-daro Boqorkii Codka hase yeeshee ay shaqeyn weysay!

Saciid Qoorsheel ayaa iftiimiyay in waqtigaas la isla qaatey in Tiyaatarka loogu wanqalo Maxamed Saleebaan hase yeeshee ma aanu caddeyn sababaha ay arintaasi u hirgali-weysay.

Halgamayaal Soomaaliyeed ayaa horey loogu magac darey goobo kala duwan, hase yeeshee waxaa is weydiin mudan maxay u shaqeyn weysay Tallo soo jeedintii aheyd in Tiyaatarka loogu magac-daro Maxamed Suleymaan?.

WQ:C/Laahi Shiikhaalow