Afar arrimood oo ku saabsan xaaladda coronavirus ee Soomaaliya.

Tirada guud ee laga soo sheegay Soomaaliya ee coronavirus waxay gaareysaa 80 qof, halka shan qofna ay u dhinteen.

Tirada ugu badan ee bukaannadaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho:

Haddaba waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa afar arrimood oo la xiriira coronavirus-ka Soomaaliya.

1. Xarumaha lagu daweeya bukaannada

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sameysay xarrun lagula tacaalo bukaanada laga helo fayraska safmarka ah ee daafaha caalamka saameeyay.

“Wasaaraddu waxay si joogto ah u baartaa bukaanada looga shakiyo xanuunka iyo xarun lagu daweeyo,” ayey tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur.

Sidoo kale, waxaa jirto xarun lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunka oo qaada illaa 100 qof, sida ay wasiirka ku sheegay hadal ay xalay jeediyay.

2. Dadkii la karantiilay

Ka dib markii dowladda ay ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaradaha ayaa la diyaariyay xarunta karantiilka taas oo la geliyay dadkii la socday diyaaradahihii ugu dambeeyay.

“Dhammaan dadkii la karantiilay waxay diyaaradaha la soo saarnaayeen dadkii laga helay cudurka Covid-19,” ayey sheegtay Wasiir Fowsiya.

“Dhammaan dadkii la karantiilay way dhameysteen xilligii loogu talagalay. Hal qof oo ka mid ah ayaana laga helay cudurka. Tirada dadkaas waxay gaaraysay illaa 166 qof,” sida ay sheegtay.

3. Xarunta Shaybaarka Qaran

Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaannada u soo diri jirtay dalalka deriska la ah Soomaaliya, markii ugu horeysay ee la arkay kiisaskii laga shakiyay.

Ventilator

Balse dhowaan, 7-dii bishan Aprila, waxaa Muqdisho laga billaabay shaybaar loogu talagalay fayraska corona.

“Illaa iyo intii la billaabay Shaybaarka Qaran, waxaa la baaray 186 qof oo looga shakiyay cudurka”, ayey tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa yaalla 22 xabo oo ah qalabka ventilator-ka- qalabka neefta siiya bukaanada uu naqaska ku dhego ee qaba fayraska Covid-19 – kuwaas oo badankooda ay leeyihiin isbitaallo gaar ah.

4. Da’da, lab iyo dhedig

Kisaska ugu badan ee Soomaaliya 70 ka mid ah waa rag, halka 10 ay yihiin dumar, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Muqdisho

Coronavirus: Tirada kiisaska Soomaaliya

Kiisaska guud

  • 80 kiisoo la xaqiijiyay
  • 5dhimasho
  • 1ka caafimaaday

Xigasho: Dowladda Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasiir Fowsiya, da’da bakunnadaas waxay u dhexeysaa 20 illaa 70 sano jir, iyadoo da’da 20-40 ay yihiin kuwa ugu badan ee hadda xanuunka Covid-19 qaba ee ku sugan Soomaaliya.

Sida lagu ogaaday baaritaannada caafimaad ee ay sameeyeen hay’adaha caalamiga ah, dadka ugu badan ee u dhimanaya fayraska waa kuwa qaba xanuunnada kale ee halista ah iyo dadka da’dooda ay ka weyn tahay 70 sano.

Taasi kama dhigna in fayraska uu raadsado da’da qaar.

Falanqeyntii ugu horreysay ee lagu sameeyay illaa 44,000 oo kiis oo Shiinaha lagu arkay, ugu yaraan shan-jibaar waxay dadka ahaayeen kuwa qaba xanuunka Macaanka, Dhiig-kar, wadna-xanuun ama dhibaato dhanka neefta ah.

Da’da bukaannada

Soomaaliya Covid-19

Da’da ah 0-20 waa 3 qof waa 4%

Xigasho: Dowladda Soomaaliya

Qiyaasta hadda laga helayo Machadka Imperial College London, heerka dhimashada waxay toban laab ku badan tahay dadka ay da’dooda ka weyn tahay 80 sano, waxayna ku yartahay kuwa da’dooda ay ka hooseyso 40 sano.

Dhammaan arrimahan waa kuwo isla xiriira, welina ma cadda xogta dhameystiran ee qof kasta iyo halista gaarka ah ee uu wajihi karo, sidaa daraadeed dhaqaatiirta waxay qof kasta kula talinayaan inuu halis wajihi karo, ayna haboon tahay inuu is ilaaliyo.

Presentational white space

Tallaabooyinka lagu xakameynayo Coronavirus

  • Waxaa la hakiyay duulimaadyada
  • Tababar la siinayo shaqaalaha caafimaadka
  • Waxaa la xiray Iskuulada iyo dusgiyada Qur’aanka
  • Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah
  • Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hogaaminayo guddiga ka hortagga Covid-19 wuxuu shaaciyay $5 Malyan oo doollar oo xaaladda wax looga qabanayo.

Xigasho:BBCSomali