Sheekh Maxamed Shaakir “Dowlada federaalka Waxay Deegaanada Galmudug ku abuuraysaa Al-Shabaab iyo Daacish..”

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxii Xukuada Galmudug Galmudug ayaa sheegay Ahlusunna Waljameeca qeyb ka ahayn “waxa” dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka waddo degaanada maamul goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeedka uu soosaaray Sheekh Shaakir ayuu ku sheegay in uusan jirin heshiis ay la galeen Dowladda FaderaalkaSoomaaliya iyoMaamulka Galmudug ee hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku soo baxay codayn ka dhacday Dhuusamareeb horaantii sanadkaan 2020.

Qoraaka ayaa ku eedeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay kasoo horjeedo heshiiskii midowga Ahlusunna iyo Galmudug ee lagu saxiixay Jabuuti 2017, isla markaana uu gar wadeen ka ahaa urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka ah ay  Al-Shabaab iyo Daacish ku abuureyso degaanadaGalmudug”. Ahlsunna aysan aqbali doonin arrinkaas sida ku xusan qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Mustaqbal.

Sheekh Shaakir Shacabka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan wadajirka iyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay ogeysiiyeen in ay “wixii mas’uuliyad xuma ah ee ka dhalata arrinkaas ay qaadeyso Dowladda Federaalka ah iyo cid kastoo ku gacan siisa”.

Image may contain: text