Rag Bistoolado ku Hubaysnaa oo xalay Muqdisho ku dilay Nin dhalinyaro ah.

Kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado ayaa xalay Xaafada dabakaayo Madoow ee degmada Dharkenley ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaasi.

Dadka Deegaankaasi u sheegay saxaafadda in Wiilkaasi lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Suudaani xilliga la dileyeyna wuxuu ku sugnaa Farmashiye uu ku lahaa ka soo horjeedka Masjidka Al-Nuur, isla markaana wuxuu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado Salaada Cishaha oo lagu jirey, ha yeeshee raga hubaysan ay halkaasi ku dileen,iyadoo markii dambana ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamo Booliska Soomaaliya ah oo u diyaar garoobayey dhaqan gelinta Bandowga la saarey Muqdisho ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay Ciidamada xir xireen Dhalinyaro ku sugneyd meel aan ka fogayn halka lagu diley Wiilkaasi.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta loo diley wiilka dhalinyarada ah iyo dadka ka dambeeyey dilkaas, waxaana dad yaqaaney ay sheegeen inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah oo wax ku soo bartay dalka Suudaan wiilka la dilay.

Dhankakale Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraadey Magaalada Muqdisho dilalka gaadmada ah oo ay geystaan kooxaha ku hubeysan bustooladaha,iyada oo dilalkaas ay inta badan sheegtaan Ururka Al-Shabaab.