“Ninkii edeg yar igu koobayoow uunku ii siman.”

Si daran ayay u rifeen. Guhaad iyo gawdhin, cay iyo canbaarayn, or iyo aflagaaddo, habaar iyo haaraan, iyo colaad iyo cunfi ayay kala daaleen oo la dhaceen dareenka iyo dubaaqiisa qofnimo.

Dhibicda roobka mahiigaan, qabowga gabadanada dayradhaaf, weedhka dabaysha jiilaal iyo kulaylka qorraxda kaliileed ma karaan oo dogobku kuma damqado dareen ahaan.

Xasan waxa uu yeeshay qoloftii diinka. Dulqaad iyo dadnimo is huwan, adkaysi iyo asluub is barkan, iyo dedaal iyo dareen xalan ayuu kaga gudbey jid qodxan badnaa iyo dhudhubo shareernaa noloshiisa soo foodsaaray.

Dadka ka fog ee aanay aqoonta isu ba lahayn ee isagu na aanu weli arag, iyagu na aanay isaga abidkii arag, waxa kaga qaniinyo iyo qardabo kululaa in badan oo ka mid ah intii dadka ugu dhoweyd in badan oo ka mid ah.

Waa walaal laxmi ah iyo ina’adeer. Eeddo iyo adeer, iyo in kale oo ka mid ah macaariiftii la is jeclaa ee nacamlaynta badnayd dorraad iyo shalay intii aanay baddu kicin ee ay mawjaddeedu degganayd.

Adduun Caaryaale!

Xasan wax kale ma uu galabsan oo loogu ma dawgelin ee waxa lagu haystaa kurkiisa. Waa ha fekerin oo ha arkin, ha na maqlin oo ha ka hadlin wax aan ahayn waxa aannu arkayno iyo sida aan u arkayno.

Waa intii ka soo doogtey, inta sidan qabtaa, dagaalladii dadnimo xoorka ahaa ee Soomaaliya ka dhacay, hadda se ku nool duni kale oo kala duwaanaanta hab-feker iyo aragtiyeed lagu faano ee aan lagu colloobin.

Waa la isku xaqdhawraa, la isku tixgeliyaa oo la isku ixtiraamaa in maanhagga aragtiyeed ee dadku uu kala geddisnaado, waa na ilbaxnimo nolosha qurxiya, bila oo quweeya, horumarkeedana lagu beegsado.

Xasan waa uu og yahay oo la socdaa sida ay u kala geysan tahay ee ay u kala higgoonayso iyo sida aanay dabka u kala qaadan. Waa Dir iyo Daarood, Isaaq iyo Hawiye iwm oo duunka ka col iyo cadaawe ka ah, hoos na u sii kala dhilma sida lakabyada basasha.

Waa Majeerteen iyo Marreexaan isu bisad iyo jiir ah, Waa Habar Gidir iyo Abgaal aan kala tegin, waxna isugu filnayn, Waa Habar Jeclo iyo Habar Yoonis hoos-ka-tuur leh ama Awal iyi Garxahis kala giigsan oo noloshii naruuro iyo nayaayir u diiddan. Waa nac iyo nacweyni qarannimadii/dawladnimadii m nujub iyo nuxuus ku noqday m, Soomaali na nuurkii iyo ifkii u daarnaan lahaa ka afuufay oo mugdi iyo madow geliyey jiritaankii ummaddnimo.

Xasan xaqiiqadaas qadhaadh ayuu maggaabiyey. Garashada iyo garaadkiisu waxa ay ka hiyi kaceen gunnimadaas gawl gawlka badan iyo dareenkaas gungunnaafka badan ee Soomaalida maanta gaadiid-qaadka u noqday ee dul gawdhiidha/gawdiida.

Halka Xasan laga raacay waa godkaas. Waxa uu gooyey xadhkihii giigsanaa ee qabiilka iyo guntimihii roorsanaa ee qabyaaladda. Qarannimo iyo Soomaalinnimo ayaa maanka iyo maskaxdiisu u xuubsiibteen oo ku xasileen. Taas baa lagu guhaadinayaa, lagu na colaadinayaa. Wax kale ma uu qalabsan, cid na xoolo kama dhicin ee waa si kale wax ha u arkin, kurkaagana reerkaa leh. Taas buu ka hor yimi oo soo tufay, kuna yalaalugoodey oo nacay.

“Gosha hooyo waa laga koraa goodir kay tahay”.

Ta lagu gawdhinayaa waa gaarranaantiisaas qofeed. Is na waxa uu guddoonsadey in aanu gorodda laallaadin.

Qoys iyo qaraabe ba waxa ay Xasan u qardoofayaan ama loo qallacayaa, sidii awr qoodh ah, oo loogu gooddiyayaa waa:
“Maxaa Soomaali is la doonka iyo wadajirka ka hadalkeeda keenay oo maanta kugu igbaaray, iyada oo aan qoontii weli la dhayin, la baanan, nabarradii iyo haarihii la geystey na ay hafeefanayaan”?

Xasan waxa uu go’aansaday in uu dhegihiisa ka gufeeyo cod kasta oo gaaban oo gurigiisa iyo goob kale ba kaga yimaadda. Waxa uu guddoonsadey in uu dhegeysto codka dheer ee gaarran ee ku gaashaaman marriinkii gobannimada iyo qarannimada ee uu ku dhex hanaqaaday, isku na daawan jirey dhaadasho ahaan.

Taasi waa ta uu Xasan kala kulmayo colaadda, faquuqa, haaraanka iyo hagardaamada ku kelliftey in uu ka guuro gobolkii uu USA ka degganaa (New York) 1994, una diga-rogto gobol kale oo uga xasarad iyo xin ama qaxar iyo qaylo yaraa (North Carolina). Hadda Xasan waxa uu ku nool yahay Minnesota.

Xasan waa Reer Ceerigaabo. Ceerigaabo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka dhif iyo naadirka ah ee qabaa’ilka kala duwani muddooyinka dheer soo wada degganaayeen. “Reer Ceetigaabo ayaan ahay” ayaa ka xoog badnaan jirtey “Reer Hebel baan ahay”. Msgaalo lagu abtirsaday ahaan jirtey oo ay odayo waaweyni ku dhasheen, kuna aasan yihiin gobolka ay magaalo-madaxda u tahay ee Sanaag.

Marka la eego xilligan cilladaysan ee walaahowga iyo wahabku dadka qanja-barariyeen ama shakiga iyo tuhunka colaadeed mutuhiskoodu bateen, Reer Ceerigaabo waxa ay waayeen xuquuqdii madaniga ahayd ee Ceerigaabannimo. Xasan waa ka mid dadka xuquuqdaasi luminaya. Waxa lagu nabay meel aanu weligii fujaan shaah ah shaarubaha ka saarin. Hadda waxa lagu kabayaa in uu noqdo Reer Laasqoray. Reer Laasqoray na waxa ay u aqoonsan yihiin in aanu iyaga ahayn ee uu Soomaaliweyn yahay!

Nabarradaa gubaya isaga oo ku raad gadanaya ayaa waxa uu haddaba Xasan tiriyey gabay aan ka soo garoocay tuducyadan hoose oo ah guntii hoose iyo goroflegedkii maqaalkaygan kooban ee maan carinta ah. Waxa uu Xasan Huruuse yidhi:

Waxaba yaan wanaag ururintiyo eersan samihiiye
Waxba yaan axsaan raadintii laygu eedayne
Waxba yaan rag aqal iigu fiqin aano saan qabo’e
Waxba yuu col ulan ii samayn odayga Geeldoone,

Waxaba yaan inkaar laygu farin aragtiday gaar’e
Waxba yaan waxaan i anfacayn aamin lay orane
Waxaba yaan ab iyo hayb nin kale ugu afduubnaane,

Wixii aayatiin laan rabaa inaan addeecaye
Danyartiyo agoontaan rabaa inaw adeegaaye
Aaran waayo kala baaday baan ooho dhahayaaye,

Adduun kaba wanaag baan rabaa laysu ololaaye
Waxa aan u ololaynayaa aadmi- nimadiiye
Haddii aan awood leeyahay oon arriminaayo
Afrikaanka iyo eeshiyiyo
Ayresh Yurub jooga
Idilkoodba waxan oran lahaa ul iyo diirkeede
Ninkii edeg yar igu koobayow uunku ii simane
Isma eeganayno ee iga samir awrku ii rarane.

Midnimaan Mar Kale doonayaa aan u meel dayo.