Bandow xalay si aad ah looga dareemay guud ahaan Magaalada Muqdisho.+Sawirro.

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhaqan galay Bandow ay dhawaan ku soo rogtay Dowladda federaal ah ee Soomaaliya, kaas oo bilaawdey 8:00 Fiidnimo kuna ekaa 5:00 Subaxnimo.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu arkayey Ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaas oo kala eryayay Dadka taagn wadooyinka, waxaana la xiray Goobaha Ganacsiga badankood.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay 17-ka Degmo ee G/Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid ay ku ogaanaayeen sida uu u hir galay bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa mar kale ku celiyey in Bandowga uusan saameyn doonin Wariyeyaasha, Dukaamada lagu iibiyo raashinka qalalan Isbitaalada iyo dadka xanuunsan, waxaana uu Ciidamada farey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) Guddoomiye ku xigeenka Aminiga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafada la hadlay ayaa ka codsaday Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay ilaaliyaan nidaamka Dowladnimada,isla markaana u hoggaan samaan Awaamiirta Ciidamada iyo talooyinka Caafimaad si looga hortago faafida Corona virus.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin mudada la joojin doono Bandowga xilliga habeenkii ah ee la saarey Magaalada Muqdisho,iyada oo kiisas Cusub oo COVID-19 ah laga helay Muqdisho.