Ma daalihii Hobolada Waaberi Cumar Shooli oo Xalay ku geeriyoodey Muqdisho.

Waxaa habeenkii xalay Magaalada Muqisho ku geeriyooday Allaha u Naxariistee ma daalihii Hobolada Qaranka ee Waaberi Al-Fanaan Cumar Cabdulle Shooli.

Fanaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay wuxuu ku xanuunsanaay oo lagu daweynayay mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ugu dambeyn ku geeriyoodey sida uu sheegay Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Axmed Cumar Shooli.

Waxaa la sheegay inuu Fanaanka uu ifka kaga tagay Carruur dhowr ah, waxaana dhawaan la arkey muuqaal uu ka soo duubey mid ka mid ah TV-yada ka howlgalla Muqdisho,isaga oo ku xanuun sanaya mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho,wuxuuna baaq u direy Madaxda dowladda inay wax u qabtaan.

Dhanka kale Fanaaniinta kala ah Hibo Nuura iyo Salaad Darbi oo ay ka wada mid ahaayeen Hoboladii Qaranka ee Waaberi ayaa waxay sheegeen in Cumar Shooli uu kaalin weyn ku lahaa horumarinta Fanka Soomaaliya.