Imaamka Masaajidka Gothenburg ”Hal qof noloshiisa ayaa ka qiimo badan kacbadoo la dumiyaa…”

Dowlada Iswidhen waxaa ay soo saartay amar ku saabsan wax ka badan 50 qof aysan meel ku wada kulmi karin si loo yareeyo faafida cudurka Koronaha Virus ayaa wax uu saameen uu ku yeeshay ummadda muslimiinta ah oo maalmaha jimcaha aygoo gaaraan kumanaan ku dukan jiray labada masaajid ee ugu weyn magaalada Gothenburg ee dalka Iswidhen.

Gudiga masaajiyada Gotheburg markii ay ka Shireen ayaa waxa ay isku waafaqeen in loo hogaansanaado amarka dowladda lana badbaadiyo nolosha kumanaanka muslimiinta ee degen wadankaan.

Arinkaas ayaan ka wareysanay Imaanka masaajidka weyn ee Gothenburg Sheekh Cabdirashiid oo ka warbixiyey waxyaaha ay diinta ka qabto in masaajida la xiro.

Imaamka masaajidka Gothenburg ayaa waxaa uu aad uga hadlay qiimaha ay leedahay in la badbaadiyo nolosha qofka nool, oo laga ilaaliyo waxii dhibaato ama cuduro keeni karo, sidaas darteeda ayaa loo xiray masaajidadka wadanka Iswidhen, waana sharci ka soo baxay dowladda Iswidhen oo dadka lagu amray in dad ka badan 50 ay meel ku kulmi karin.

Wareysigan waxaa inoo daadihinaayo wariye Saabir Ilmi.