Tacsida Rw Hore ee Nuur Cadde oo la soo gaba gabeeyay iyo Beelaha Soomaaliyeed oo si wayn uga qayb qaadatay.

Waxgardka Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed aya ka qayb qaatay Tacsida Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo magaalada Muqdisho ka socotay, Waxgaradka Beelaha Murasade ayaa iyagu bixiyay Geel Fara badan, si la mid ah Beeaha kale ee Soomaaliyeed.

Waxgaradka Beelaha Murasde ayaa iyagu sheegay in Nuur Cadde uu ahaa Nin Qaran oo ka tagay Soomaalida oo idil, waxayna lle uga baryeen inuu ka waraabiyo Janadii Fardowso.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo isna sheegay in Nuur Cadde uu yahay Halyay Qaran oo Ummadda Soomaaliyeed wax wayn u qabtay, daacadnimana ku hagay Bulshada Soomaaliyeed mudadii uu xilka haayay.

Beesha Habar Gidir
Sidoo kale Beesha Habar Gidir ayaa iyaduna si weyn uga qayb qaadatay Tacsida Ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya, waxayna uga qayb qaadatay inay bixiso oo Tacsida gaysay Lacag fara badan oo cadiin ah.

iyadoo halkaasi ay ka soo xaadireen Ganacsato iyo Waxgarad magac ku leh Beesha H/Gidir, sida Ganacsatada iyo nabadoonada Beeshaas sida Ugaas Cabdi Daahir, nabadoon Xasan Cilmi Yaxye iyo Ganacsade Maxamed Daylaaf

Ugu Dambayntii waxaa Beelaha Soomaaliyeed ka gudoomay wixii ay bixiyeen Ugaas Maxamuud Ugaas Cali C/lle, wuxuuna ugu Duceeyay Umadda Soomaaliyeed inay Nabad Barwaaqo ku Nooladaan.