Sarkaalkii ugu sareeyay Daacish-ta K/Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho. (Faah Faahin).

Muqdisho:-Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay madaxii ururka Daacish ee koonfurta Somalia, kadib dagaal dhexmaray ciidamada iyo sarkaalkan ka tirsanaa Daacish.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu koobay Cabdiqani, isla markaana magacaya badan looga yaqiinay gudaha kooxda Daacish ayaa lagu qabtay isku hor imaad isaga iyo dabley uu watay ay ciidamada dowladda kula galeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa markii ay ninkan qabanayeen waxaa la sheegay inay heleen xogta ah in ninkan iyo kooxda uu wato ay falal Muqdisho ka fuli rabaan falal amni darro, balse baaris kadib waxaa la ogaaday in Cabdiqani uu ahaa madaxii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidamada ammaanka waxay la soo qabteen ninkan laba ruux oo kale, hubkoodii iyo gaari ay wateen, waxaana uu howlgalkan dhacay maalintii Axada ee 12-kii bishan Abriil.