Maamulka Jubbaland oo sheegay in 5 qof ay ku dhinteen xeebta Magaalada Kismaayo.

Ciidamada booliska Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howlgalo ka wadeen xeebta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka inta uu socday ayaa ciidamada  booliska waxaa ay dhalin yarada uga digayeen in ay tagaan xeebta magaalada Kismaayo, si looga hortago cudurka Corona Virus.

Afhayeenka booliska ee Maamulka Jubbaland Jaamac Maxamed Xasan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in 5 qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay ku geeriyoodeen xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu waalidiinta uga digay in ay caruurtooda ka celiyaan xeebta magaalada Kismaayo, maadaama la mamnuucay tagista xeebtaasi.