Hambalyo Wasaaradda Maaliyadda!!!.

Waxaan ugu hambayeeynayaa Wasaaradda Maaliyadda go’aanka ey qaadatay ee Canshuur dhaafka iyo Canshuur dhimidda ee lagu sameeyay Raashina duruuriga ah ee Dibadda laga keeno.

Bacdamaa Dalka ey ka jirto xaalad dhaqaale xumi, Cabsida Cudurka halistaa oo hoos u dhigay dakhligii Dadka soo galayay, Bishii Barakeeysneeed ee Ramadaana ey soo dhawdahay.

ayaa Canshuur dhaaf 100% ah loo sameeyay Bariiska iyo Timirta ( F.S: 1 & 2aad). Halka Saliidana iyo Burka 50% laga dhimay. ( F.S: 3 & 4aad).

waad ku mahadsantiin go’aankaa.

Qore: Yahya Amir