Al-Shabaab oo soo bandhigtay Maydadka Askar iyo Hub ay ka qabsadeen Ciidamada Dolwadda.

Al-Shabaab ayaa Goob fagaare ah oo ku taalla Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay kusoo Bandhigtay Meydad ay sheegeen inay yihiin Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo dagaal lagu dilay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay Askarta ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Baar Sanguuni, iyadoo dagaalkaas uu yimid kadib markii weerar ku qaadeen halkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay barahood Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay gacanta ku dhigeen Meydadka 5 askari iyo hubkii ay wateen, kuwaasi oo lagu soo bandhigay Jamaame.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Meydadka ay soo Bandhigtay Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay yihiin Askar ka tirsan Jubbaland.