WHO oo Qalab Caafimaad ku wareejisay maamulka Somaliland.

Wasaarada caafimaadka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday inay heshay qalabka caafimaad oo lagu baarayo Cudurka Coronavirus.

Qalabkaan ayaa waxaa Soomaaliland ku wareejiyey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo qalabkaas horey ugu balan qaadey Soomaaliland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in markii hore qofkii looga shakiyo Cudurka Coronavirus dhacaan laga qaado loo diri jirey dalka Kenya,isla markaana waqti badan ay ku qaadato inay jawaabta helaan, balse waxaa uu sheegay in hada laga maarmayo

Dhanka kale Wasiirka ayaa wuxuu Hay’adda WHO uga mahad celiyey helida qalabka lagu baaro COVID 19 oo ay ka caawisey Soomaaliland