Mudane Xaaf oo xalay xilka Maamulka Galmudug ku wareejiyay madaxweyne Qoor Qoor.

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa xalay xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor

Xil wareejinta ayaa ka dambeysay, kadib xaflad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Xaaf goobta ay ka dhaceysay Xafladda ka sheegay inuu tanaasulay islamarkaana uu la shaqeyn doono Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxweyne Xaaf uga mahadceliyay sida uu maamulka ugu soo adeegay.