Midowga Afrika oo Hambalyo u soo diray Sanadguuradii 60-aad aas aaska Ciidamada X.D.S.

Muqdisho: – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) iyo Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxay hambalyo u dirayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) maadaama ay xusayaan 60 sano tan iyo markii la aasaasay.

SNAF waxaa la aasaasey sanadkii 1960-kii markii la hoos keenay taliskii Jeneral Daa’uud Cabdulle Xirsi, oo ahaa halyeey caan ah oo Soomaaliyeed. Waxay ka mid ahaan jireen ciidamadii ugu waaweynaa uguna tababarnaa ee ka hooseeya Saxaraha Afrika.

“Sannad-guuradii 60-aad, waxaan ammaaney ciidamada geesiyaasha ah iyo kuwa xoogga leh ee SNAF iyo gaar ahaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) ee safka hore, kana soo kabanaya dhulalkii ay ka joogeen Al-Shabaab kuna howlan soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya gudaheeda, isku-dardar-gelinta hay’adaha dowliga ah iyo abuuridda jawi suurtagelinaya horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ”, ayuu yiri Danjire Madeira.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaa ka go’an inay ka taageeraan SNAF la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidii loo gaari lahaa nabad iyo xasillooni waarta ee Soomaaliya.