Maraykanka oo 24-kii saac ee ugu dambeysay ugu dhimatay Corona virus dad gaaraya 1,514 Qof.

USA:-Dowladda Mareykanka ayaa diiwaangelisay 1,514 dhimasho ah oo la xiriirta cudurka ‘coronavirus’ ah 24-kii Saac ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacadda Johns Hopkins Xalay fiidkii.

Caddadka dhimashada ayaa ka yar marka loo eego tiradii Maalin ka hor oo ahayd 1,920.

Waddanka Maraykanka oo ah halka ugu dhimashada badan Caalamka marka eego Dadka uu ku dhacay Cudurka Corona virus ayaa haatan la xaqiijiyay in ay geeridu marayso 22,020 Qof.