Madaxweyne Qoor-qoor oo sheegay inay Al-Shabaab ka xoreyn doonan Galmudug.

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen xoreynta degaanada fara ku tiriska ah ee ay kooxaha Argagixisadu ku dhuumaalaysanayaan.

Mudane, Qoor-qoor oo ka hadlayay xaflad uu xilka kala wareegayay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Xalay ka dhacday Dhuusamareeb ayaa Bulshada iyo maamulka ku boorriyay in ay mideysnaadaan si looga dul-qaado dhibaatooyinka ay ku hayaan Argagixisada.

Madaxweyne, Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan qaaday inuu Gogol nabadeed u dhigi doono, si ay qeyb-uga qaatan xallinta qilaafyada ka dhexeeya qaar ka mid maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe taasi oo horey loogu soo guuleystay dib u hishiisinta Bulshada Galmudug.