Coronavirus: Maamulka Hirshabeelle oo dhammaantiis la karantiilay

Dhammaan xubnaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa la karantiilay kaddib markii uu xanuunka coronavirus u geeriyooday mid ka mid ah golaha wasiirrada ee maamulkaas.

.

Waxaa magaalada Jowhar isku karantiilay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo golihiisa dowladda, kuwaasoo dhammaantood karantiilka ku jiri doona muddo 14 maalmood ah.

Wasiir Khaliif Muumin Tooxow oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Ilaahay unbaan xanuunsanun. Laakiin anigu waan fiicanahay Waxaan doorbiday inaan kaligey iskarantiilo ilaa isbuucii lasoo dhaafay, anigoo is hubinaya sidoo kalena tusaale u noqonaya dadkeyga”.

Wali lama soo tabinin xubin kale oo ka tirsan maamulka oo la xanuunsan coronavirus.

. 

Cabdi Macallim Maxamed oo ah Wasiirka caafimaadka Hirshabeelle ayaa BBC la hadlay.

“Xaaladda guud ee Hirshabeelle hadda way yara daggan tahay, waxaa soo gaaray cudurka coronavirus oo laga helay hal qof oo ah wasiir, xildhibaanna ah, Alle ha u naxariisto wuxuu u geeriyooday, xilligaas wixii ka dambeeyayna guud ahaan dadka waxay isku karantiileen meeshii uu qof walba ku sugnaa”, ayuu yiri.

Sababta dhammaan xubnaha maamulka loo karantiilay ayaa salka ku heysa wasiirka cudurka u geeriyooday, sida uu sheegay wasiir Cabdi Macallim.

“Maadaama wasiirku uu xildhibanana ahaa, shaqooyin badanna ay socdeen, oo shirar baarlamaanka iyo golaha wasiirrada ah ay socdeen, dad badanna uu la kulmay, hoteelkana uu dagganaa, ayaa markii isaga laga helay iyo ka horba markii lasoo qaaday waxaa qof walba lagu wacyi galiyay inuu ku sugnaado meesha uu hadda joogo ku sugnaado muddo 14 cisho ah”.

Dhinaca kale wuxuu wasiirka BBC-da u xaqiijiyay in aysan jirin cid ka tirsan maamulka oo ilaa hadda baaritaan lagu sameeyay.

“Ma jiraan wax baaritaan ah oo lagu sameeyay madaxda iyo xubnaha kale ee dowladda, qalabka hadda baaritaanka loogu talagalayna wuu yaryahay, shalay unbaa waxoogaa la helay, micnuhuna ma aha in qofka oo fayow uu mar kasta isbaarayo, laakiin marka uu xanuun iska dareemo unbuu baaritaan dhacayaa”, ayuu yiri wasiirka caafimaadka ee Hirshabeelle.

Goobo kooban oo loogu talagalay karantiilka ayuu sheegay inay sameeyeen, laakiin aysan jirin tabar badan oo cudurkaas ay kula tacaalaan, waxa kaliya ee ay hadda awoodaanna ay tahay inay wacyigalinta sii wadaan.

.

Kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa maalmihii dambe sare u sii kacayay, waxayna kor u dhaafeen 20 ruux.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 107 qof ilaa hadda laga baaray xanuunka, halka 20 qofna la karantiilay kaddib markii looga shakiyay inay qabaan coronavirus.

Labo ruux ayaa inta la ogyahay Soomaaliya ugu geeriyooday cudurkan si rasmi ah loogu magacaabay Covid-19.

Hal qof ayaa ka bogsooday xanuunka, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhaqaaqday ee Somaliland ayaa maanta xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo Caabuqa CoronaVirus ah, 2 kamid ah saddexdan kiis ayaa laga helay magaalada Hargeisa, halka qofka kalena yahay magaalada Borama.

Kiisaskan cusub ee la helay ayaa waxay ka mid yihiin natiijada 26 qof oo dhawaan dheecanadooda loo diray shaybaadhada dalka dibadiisa kadib markii looga shakiyay xanuunkan, sidaasina ay maanta wasaaradu ku xaqiijisay in saddexdaasi qof laga helay xanuunka.

Ddhanka kale wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan laba qof oo cusub oo iyagana looga shakisanyay xanuunka, halka labadii qof ee hore caabuqa looga helay ay iyagana xaaladoodu meel fiican marayso.

Tirada guud ee dadka ilaa hada laga helay coronovirus Somaliland ayaa noqonaysa 5 qof, marka loo geeyo laba qof oo iyaga hore looga helay xanuunkan.

Xigasho:BBCSomali