Xilliga la bixiyo zakaatul fidriga iyo xukunka tukashada salaadda ciidda (Qaybtii 7aad)

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Sharci ahaan zakaatul fidriga waa waajib, qof kasta oo soomay ayaana laga doonaya in uu la yimaado, waxaana Allah loogu mahadcelinaya nicmada waafijinta soonka, waxaana loo baahan yahay in laga bixiyo qofka da’da ah, qofka yar, labka iyo dheddigga.

Sida ku xusan saxiixaynka wuxuu ibnu Cumar Allaha ka raalli noqde uu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu ku waajibiyay zakaatul fidriga: qof kasta oo xor ah ama addoon ah (waa dadkii la haysan jiray) ama lab ah ama dheddig ah ama qof weyn ama qof yar oo ka tirsan dadka muslimiinta ah, waxaana la siinaya hal madaal ama suus oo timir ah ama hal suus oo heed (shaciir) ah, wuxuuna amray rasuulka in la bixiyo inta aysan dadku u bixin salaadda.

Zakaatul fidriga, waxay qofka ka daahirisaa hadalladii gefka ahaa ee ka dhacay intuu soomanaa, masaakiintana waxay u noqon cunto, qofkii bixiya salaadda ka hor, waxay u noqon zako la aqbalay, qofkii bixiyana salaadda kaddib waxay u noqon saddaqo, hadalkan waa qowlkii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam waxaana sunnooyinkiisa ku soo saaray abu Daawuud, ibnu Cabbaasna Allaha ka raalli noqde wuu soo weriyay, sheekh Albaanina wuxuu ku saxiixay saxiixul jaamic.

Waxa la bixiyo zakaatul fidriga, waa saac, yacni mug u dhiganta 2.5 kilogram, haddii ay tahay bur ama bariis iyo wax la mid ah, saxiixaynka waxaa ku xusan in abi Saciid Allaha ka raalli noqde uu yiri: waqtigii uu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam nala joogay waxaanu bixin jirnay madaal ama suus oo badar ah ama madaal timir ah ama suus heed ah ama madaal sabiib ah.

Culumada waxay isku khilaafeen xukunka salaadda ciidda, qowl wuxuu sheegaya: in salaadda ciidda ay tahay sunne sugan, waana mad-habka Maaliki iyo Shaafici, qowlka 2aadna wuxuu sheegaya: in salaadda ciidda ay tahay fardu kifaaya, waana mad-habka Axmed, qowlka 3aadna wuxuu sheegaya: in salaadda ciidda ay tahay waajib, qofkii ka tagana sabab la’aan uu danbaawayo, waana mad-habka abi Xaniifa iyo werin uu leeyahay Axmed, waxaana arrinkan ku raacay: ibnu Taymiya.

Saxiix Muslim waxaa ku xusan, in Nucmaan bin Bashiir Allaha ka raalli noqde uu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu labada ciidood iyo maalinta jimcaha aqrin jiray: Sabbixisma Rabbikal Aclaa iyo Hal Ataaka Xadiithul Ghaashiya.

Ibnu Cabbaas Allaha ka raalli boqde wuxuu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam ayaa soo baxay maalinta ciidda Arrafo iyo ciidda Sonfur, wuxuuna tukaday labo rakcadood, ka hor iyo kaddibna wax uu tukaday ma jirin, kaddibna wuxuu u yimid haweenka isagoo la socday Bilaal, wuxuuna ku amray in ay saddaqaystaan, saxiixaynka ayuuna ku xusan yahay xadiiskan.

khadhiibka khudbada aqrinayo wuxuu soo galaya masjidka ama meesha lagu tukanayo salaadda ciidda, waqtiga salaadda, saxiix Muslim waxaa ku xusan in Jaabir bin Cabdullaahi Allaha ka raalli noqde uu yiri: waxaan la joogay rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam salaad maalin ciideed, wuxuuna ku bilaabay salaadda, inta aan khudbada la aqrin, iyadoo aan la addimin lana aqimin.

Salaadda ciidda waa in lagu tukado meel bannaan ah, haddii ay suuraggal noqon weydana wax dhib leh ma’ahan in lagu tukado masjidka.

Waxaa sunne ah in qofka markuu xirto salaadda ciidda oo uu yiraahdo Allaahu akbar, waa in uu toddoba goor yiraahdaa inta uusan waxba aqrin, Allaahu akbar, marka uu u soo istaagana rakcada labaad oo uu yiraahdo: Allaahu akbar, waa in uu shan goor yiraahdo: Allaahu akbar intuusan waxba aqrin, rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam ayaana sidaas sheegay, sida ku xusan sunnooyinka abi Daawuud soona werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqde, sheekh Albaanina uu ku saxiixay saxiix sunnan abu Daawuud.

Qaar ka tirsan culumada waxay qabaan in khudbada ciidda oo laga aqriyo minbarka korkiisa ay sunne tahay, lagana dhigo sida khudbada jimcaha oo kale, culumada qaarna waxay la tageen: in khudbada ciidda ay ku fiican tahay in aan la isticmaalin minbarka.

saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan in Jaabir bin Cabdullaahi Allaha ka raalli noqde uu yiri: nebiga sallallaahu caleyhi wasallam wuu istaagay, wuxuuna bilaabay salaadda, kaddibna dadkii ayuu u khudbeeyay, markuu dhammeeyayna wuu soo degay, wuxuuna u yimid haweenka, wuuna u wacdiyay isagoo ku taaksanaya gacantii Bilaal, Bilaalna wuxuu fidiyay maradiisa si ay haweenka ugu ridaan saddaqada.

Arrinka ku saabsan kor u qaadidda gacmaha marka salaadda ciidda lagu jiro, culumada wey isku khilaafeen, labo qowl ayaana ku soo aroortay, midda kowaad waxay sheegaysa: in ay wanaagsan tahay in takbiir kasta gacmaha kor loo qaado, sida loo qaadayo midda takbiiratul ixraamka oo kale, qowlka labaadna wuxuu sheegaya: in aan wanaagsanayn in gacmaha kor loo qaado marka lagu jiro salaadda ciidda aan ka ahayn midda takbiiratul ixraamka, wa inoo berri iyo qaybtii 8aad oo ah qaybtii ugu danbaysay inshaa Allah.