Wasiiru Dowlihii Wasaradda caddaaladda Hirshabeelle oo u geeriyooday Corona Virus

Muqdisho:-Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle, Khaliif Muumin Tooxoow, ayaa Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhowaan haleelay cudurka Coronavirus.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka kaas oo dhowaan laga helay calaamada Cudurka.

Wasiir ku xigeenka ayaa mar kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baqay in ay raacaan farriimaha ugu imanaya Wasaaradda caafimaadka, si loo yareeyo halista cudurkanka safmarka ah.

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda caddaaladda Hirshabeelle ayaa inta la ogyahay noqonaya Qofkii Labaad ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda Cudurka Carona Virus.