Soomaaliya oo soo dhaweysay baaqii Waddamada Isbaahaysiga Carbeed

Muqdisho;-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April.

War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.