Dhacdooyin iyo taariikh xusuuseed ayaa laga dhex helaya bisha barakaysan ee Ramadaan (Qaybtii 8aad)

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Dhacdooyin badan ayaa laga dhex helaya bisha Ramadaan, waxaana dhacdooyinkaasi ka mid ah:

*Suxuftii (waraaqihii) nebi Ibraahim caleyhissalaam, waxaa la soo dejiyay habeenkii ugu horraysay ee Ramadaan.

*Diintii Tawreed waxaa nebi Muuse caleyhissalaam lagu soo dejiyay markii la dhaafay lixda Ramadaan.

*Diintii Zabuur waxaa nebi Daawuud caleyhissalaam lagu soo dejiyay markii la dhaafay 18ka Ramadaan.

*Diintii Injiil waxaa nebi Ciise caleyhissalaam lagu soo dejiyay markii la dhaafay 13ka  Ramadaan.

*Qur’aankuna waxaa nebiga sallallaahu caleyhi wasallam lagu soo dejiyay 24ka Ramadaan, waxayna soo dejinta socotay muddo ku dhowaad 23 sannadood.

*Sannadkii 8aad ee hijrada Ramadaana ay ku beegnayd 21ka waxaa la furtay oo ay muslimiintu gacanta ku dhigeen magaalada Maka, waxaana halkaas lagu baabi’iyay asnaamtii la caabudi jiray, waxayna noqotay markii ugu horraysay oo xaramka laga addimo.

*Sannadkii 10aad ee Ramadaan waxaa geeriyooday abu Dhaalib oo ahaa adeerkii nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam.

*Saddexdii bisha Ramadaan, sannadkii 11aad ee hijrada waxaa geeriyootay Faatima oo ahayd gabadhii rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam.

*17kii Ramadaan, sannadkii labaad ee hijrada waxaa dhacay dagaalkii weynaa ee Badar, ciidankii muslimiinta ee dagaalamayay waxay tiradoodu dhammayd 313 ruux, waxayna siteen hub fudud iyo 70 neef oo geel ah iyo raxan fardo ah, ciidankii gaalladuna waxay dhammaayeen 950 iyo 700 neef oo geel ah iyo boqol faras ah iyo hub badan, labada ciidan waxay isaga horyimaadeen biyahii la oran jiray Badar oo u dhexaysa Maka iyo Madiina.

Muslimiintu markii ay arkeen in laga tiro badan yahay bay Rabbi u carareen oo ay kaalmo weydiisteen, Rabbina wuu u aqbalay ducodooda, Rabbi wuxuu yiri: waxaad kaalmo weydiisateen Rabbigiin wuuna idin aqbalay, wuxuuna idinku deeqay kun malaa’ikta ka tirsan oo wada socda (Anfaal: 9), waxaana guushii raacday muslimiinta.

*Sannadkii 58aad ee hijrada Ramadaana lagu dhex jiro, waxaa geeriyootay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee oo ahayd marwadii rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallam.

*18kii Ramadaan sannadkii 21aad ee hijrada waxaa geeriyooday geesigii muslimiinta Khaalid bin Waliid Allaha ka raalli noqdee.

*Sannadkii 40aad ee hijrada Ramadaana ay ku beegnayd 17 waxaa la dilay Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee.

*Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu geeriyooday kaddib markuu soomay sagaal goor.

*Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu guursaday iyadoo bisha Ramadaan lagu dhex jiro, Zowda bintu Zamca Allaha ka raalli noqdee, kaddib markii ay geeriyootay Khadiija Allaha ka raalli noqdee oo geeriyootay maalinta 10aad ee Ramadaan.

*Ramadaanka waxaa ku dhex jira habeen lagu magacaabo leylatul Qadri, habeenkaasoo ka khayr badan kun bilood (83 sannadood iyo afar bilood).

*Sannadkii saddexaad ee hijrada Ramadaana bartanka loogu dhex jiro, waxaa dhashay Xasan bin Cali Allaha ka raalli noqdee.

Intaas ayaan ku soo afjarnay mowduucii aan kaga hadlaynay axkaanta soonka iyo wixii soo raacay, waxaan Allah ka baryayna in uu naga wada dhigo kuwo samo ku sooma samana ku afura, waxaan Allah ka baryayna in uu nagu toosiyo laylatul qadriga.

Waxaan rajeynaya: haddii aan soonka soo gaboggabayno innagoo caafimaad qaba, in aan lagu soo afjarin waxyaabo munkar ah oo shaydaanku diyaariyo maalmaha ciidda ah, sida: heeso iyo music iyo niman iyo naago isla cayaarayaan.

Walaalkiin/ Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)