Ciidamo Itoobiyaan ah oo weeraro lagula beegsaday deegaanka Yurkud.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaan ah lagu weeraray deegaanka Yurkud,xilli dagaalyahannada Al Shabab ay sare u qaadeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM.

Ciidamada Itoobiyaanka ee gobollada Gedo iyo Bay ayaa mar kale wajahaya weeraro dhiig bixin ah waxaana la soo sheegayaa in la gaarsiiyay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maalintii shalay ciidamada Itoobiya oo maraya qeybo ka mid ah gobolka Bay ayaa la kulmay ugu yaraan lix weerar oo labo ka mid ah ay ahaayeen weeraro toos ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka lagu galay inta u dhexaysa deegaanka Yurkud iyo degmada Bardaale oo ka tirsan gobollada Bay iyo Gedo, waxaana gaaray khasaare tiro badan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay lagu weeraray ciidamdaa Itoobiya kadibna waxaa xigay weeraro jidgal ah, dad xoola dhaqata ah oo ku sugan deegaannada lagu dagaallamay ayaa sheegay inay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn.

Dhanka kale Ciidamada Itoobiya oo bishii Maarso ka soo tallaabay xuduud beenaadka ayaa dagaallo culus kula kulmay wadada xiriirisa degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo, sidoo kale ciidamo gurmad ahaan uga baxay Baydhabo ayaa iyana weeraro culus lagula beegsaday deegaanka Awdiinle.