Safiirka JFS ee dalka Turkiga oo bulshada la wadaagay tallooyin & wargalin ku saabsan COVID-19 .

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga la wadaagay tallooyin iyo Wargelin ku saabsan Cudurka COVID-19 .

Safiirku oo la kulmay qaar ka mid ah bulshada halkaasi Xusay in Safaaraddu ay gacan siin doonto dadka Soomaaliyeed ee gudaha Turkiga ay ku Saamaysay Xayiraadda dhinaca sodaalka ee dawladda Turkigu ay soo rogtay,

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi wuxuu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay is Caawiyaan oo ay ka war qabaan dadka danyarta ah.